Sunday, July 13, 2025

Sheekh Aadan Madoobe oo si xirfadeysan dib loogu doortay Xildhibaan Aqalka hoose

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa mar kale dib ugu soo laabtay Baaralmaanka Soomaaliya.

Doorasho ka dhacday magaalada Baydhaba maanta ayaa kursiga beesha Haddamo gaar ahaan jufada Shirmooge waxaa ku loolamay, Sheekh Aaden Maxamed Nuur oo helay 49 cod iyo Fadumo Maxamed Axmed  oo ahayd musharax uu watay Sheekha, iyadoo ka tanaasushay intii aan doorashada la gelin.

sheekh-aadan
Sheekh Aadan Madoobe iyo musharax Faadumo Maxamed oo u tanaasushay

Sheekh Aadan Madoobe oo mar guddoomiye u noqday Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa ku soo baxday qorshe xirfadeysan oo musharaxiin fara badan ku soo baxeen kaasoo ah in qofka kula loolamaya lasoo qorto, lagana bixiyo kharashka, kadibna uu tanaasulo doorashada ka hor.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON