Tuesday, June 24, 2025

Sheekh Caan ka ahaa Somaliland oo shaaciyey inuu ku biiray Alshabaab iyo Sababta

Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo dhowaan magaalada Hargeysa ka baxsaday ayaa sheegay inuu naftiisa kala badbaaday maamulka Somaliland, isla markaana uu ku biiray Alshabaab.

sheekha ayaa sheegay inuu dhex mushaaxayo Wilaayaadka Islaamiga ee 11-ka ah oo ay maamulaan Xarakada Alshabaab, sida uu yiri, wuxuuna caddeeyay inuu si rasmi ah ugu biiray Alshabaab, markii uu naftiisa kala baxsaday maamulka Somaliland.

“Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay aniga oo reerkeygii wata in waddankii aan ku dhashay oo aan ka ahaa nin culimo ah oo ku howlan dacwada Islaamka iyo tarbiyada Islaamka ay igu timid carqalad xooggan oo ku wajahan howlsheyda, taasoo kaga timid nidaamka ka jira meesha,” ayuu yiri Sheekha.

Sheekhan oo caan ka ahaa Somaliland, marar badanna lagu xiray magaalada Hargeysa ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay Alshabaab badbaado u doonteen, isaguna uu ku biirin doono wixii cilmi iyo awood ah ee uu hayo, wuxuuse beeniyay inuu xil u doontay.

Sheekh Aadan Sunne oo wareysi siiyey BBC-da ayaa si weyn ugu faraxsanaa inuu ka mid noqday Alshabaab, wuxuuna ka gaabsaday inuu ka hadlo sida uu uga baxsaday magaalada Hargeysa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON