Wednesday, June 25, 2025

Sheekh Caanka ku ahaa Akhrinta Qur’aanka Kariimka ee Reer Suudaan oo Geeriyooday (Taariikhdiisa)

Sheekhii Reer Suudaan ee ku caan baxay codkiisa macaan ee uu Qur’aanka ku akhriyo Sheekh Nuuriin Maxamed Sadiiq ayaa ku geeriyooday shil Gaari oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Um-durman xilli uu kasoo noqday socdaal Diini ah.

Sheek Nuuriin ayaa waxaa shilka kula geeriyooday saddex dhalinyaro ah oo xaafidu qur’aan ahaa kuwaasoo kala ah: Cali Yacquub, Cabdalla Ciwad iyo Muhanad Kinaani, sida uu shaaciyey wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Suudaan Nasru-diin Almufrix.

Waa kuma Sheekh Nuuriin Maxamed Sadiiq

Sheekh Nuuriin wuxuu ku caan baxay inuu Qur’aanka ku akhriyo cod aad u macaan oo malaayiin qof soo jiita, wuxuuna ku akhrin jiray dhowr nooc oo kala duwan.

Wuxuu ku dhashay, quraankana ku bartay Degaanka Baara ee Gobolka Waqooyiga Kurdufan, dalka Suudaan, halkaasoo uu ku xifdiyey Qur’aanka 90-meeyadii.

Codkiisa ayaa ahaa mid gaara, isagoo hibo u lahaa inuu qur’aanka ku qurxiyo cod qof kasta gilgilaya, gaar ahaan Bisha Ramadaan oo salaada taraawiixda uu masaajidda ka tujin jiray.

Wuxuu imaam ka ahaa Mid ka mida masaajida ugu waaweyn caasimadda Khartoum ee dalka Suudaan oo kumnaan qof ay ku tukan jireen.

Codka uu Qur’aanka ku akhriyo Sheekh Nuuriin ayaa ku faafay dunida oo dhan, waxaana laga dhageystaa dhammaan goobaha bulshada isugu timaado ee dalka Suuudaan iyo dunida Muslimka.

Wuxuu ka qeyb galay tartamada Caalamig ah ee Qur’aan akhriska ee Malaysia, Imaaraadka (Dubai), wuxuuna tartanka Qur’aanka ee Dubai oo ay ka qeyb galeen 83 dal, wuxuuna sanadkii saddexaad ku guuleystay abaalmarintaasi.

Allaha ua naxariisto Sheekha iyo ardaydii la socotay

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON