Tuesday, July 15, 2025

Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo laga hor istaagay Doorashada kursiga Beeshiisa ee yaala Cadaado

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in musharax caan ah laga hor istaagay inuu u tartamo kursiga beeshiisa.

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha dowladii KMG ahayd Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in la musuqmaasuqay ergadii beesha oo in ka badan 30 ergada ay bannaanka ka joogto doorashada, isla markaana loo diiday inay doorashadaasi galaan.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
Sheekh C/qaadir Cali Cumar

C/qaadir Cali Cumar ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulka Galmudug  iska kaashadeen in isaga shaqsiyan laga reebo doorashada oo cadaadis gaar ahna ay saareen.

Taageerayaasha Shariif Sheekh Axmed ayaa in badan oo ka mida looga adkaaday qaabab kala duwan oo doorashada 2016 cadaadis lagu saaray.

Muran iyo is qabqabsi ayaa hareeyay doorashada Aqalka hoose ee magaalada Cadaado, iyadoo musharixiin badan culeys lagu saaray inaysan tartamin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON