Saturday, July 5, 2025

Sheekh ka tirsan Alshabaab oo shaaciyey Dhir dabiici ah oo lagu daweyn karo Cudurka Covid-19

Sheekh Suldaan Muxamad Aala-Muxamad oo kamida Culimada Alshabaab xilalka ka haya ayaa shaaciyey Daawooyin Dabiici dah oo lagula tacaali karo cudurka Coronavirus, laguna daweyn karo dadka qaba cudurkan.

Sheekhan ayaa Masjid uu dersi ka akhriyo ka sheegay in marka hore loo baaham yahay inay Dadka a Alle u towbad keenaan, cudurka Covid-19 uu ku yimid carro Alle, lana bixiyo sadaqada kadibna wuxuu tiriyey dhir kala duwan oo uu sheegay inay Daawo u yihiin cudurka Covid-19.

Dawooyinka oo ah Dhir ayuu Sheekh Suldaan Muxumed ka tilmaamay: Cudwu-jasti, Karkam ama Huruud (xididkiisa, oo lagu darrayo Nus liitar biyo kulul ah, kadibna la cabayo, ayna u fiican yihiin dheefshiidka, iyagoo dilaya jeermiska. Wuxuu kaloo sheegay Geed lagu magacaabo Cirqusuus, kaasoo la dagaalama Virus-yada, sida uu yiri, iyadoo lagu darayo Luubaan-Dakar.

Geedahan dabiiciga ah ayuu Sheekhani sheegay inay leeyihiin manaafacaad lagu sheegay Kutub-ka caafimaadka, ayna ku caafimaadayaan dadka cudurrada qaba sida Coronavirus.

ما هي فوائد عرق السوس - ريحانة
XIDDIDKA GEEDKA CIRQU-SUUS (عرق السوس)

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON