Monday, June 23, 2025

Sheekh Nuur Baaruud imisa jago ayuu ka hayaa dowladda Federaalka Soomaaliya..?

Ma aha oo kaliya Sheekh caalim ah oo ka mida culimada waaweyn ee dalka iyo inuu adag uga hor yimid kooxda Alshbaab ee wuxuu xubin ka noqday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan wuxuu dowladda Federaalka ka galay ururada bulshada rayidka ah, isagoo ka mid ahaa guddiyada bulshada ee wacyi gelinta iyo arrimaha abaaraha, laakiin wuxuu si degdeg ugu xuub siibtay mid ka mida magacyada waaweyn ee ku dhex jira dowladaha isaga danbeeyay talada dalka.

Wuxuu ka mid noqday guddi dhowr ah oo arrimo samafal salka ku hayay oo markii dambe u xuub siibtay guddiyo Qaran, wuxuuna marar badan ku lug yeeshay arrimaha siyaasadda iyadoo hadallo kasoo yeeray ay kiciyeen xiisad siyaasadeed.

Ad

Xilkiisii ugu danbeeyay wuxuu ahaa guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Abaaraha oo ilaa iminka shaqeeya isla markaana mamulay deeqdii umadda Soomaaliyeed ee dhinaca abaaraha. Dhaqaalaha laga soo ururiyay Soomaalida iyo deeqihii cunto ee laga helay dibadda waxaa la sheegay inaan xisaab celin waafi ah weli laga heynin.

Sidaasoo ay tahay ayaa mar kale loo magacaabay guddi kale oo ah Guddiga Taakuleynta ciiiamada, isagoo guddoomiye ku xigeen ka ah, taasina waxay keentay in Wadaadku noqdo meel kasta ku jir aan faaruqin dowladda iyo hay’adaheeda.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON