Saturday, December 4, 2021

Sheekh Nuur Baaruud: “Ninkii Mooshinka socda keenay isagaa ku baxaya, mana aqbaleyno…” [DAAWO]

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mida  culimada waaweyn ee taageera dowladnimada ayaa muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada ku caddeeyay mowqifkiisa ku aadan mooshinka socda ee laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Sheekha ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo xaalad kasta oo qalalaase abuureysa, isla markaana aanu taageereynin mooshin xilligan lagu abuuro xasarad, wuxuuna ku hanjabay inaysan aqbali doonin oo ah shacabku ka hortegi doonaan dadka qalaalasaha wada.

“Ninka mooshinka keenay isagaa ku baxaya..” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo arrinta ka socota Baarlamaanka ku tilmaamay inay timid xilli xasaasi ah oo Baarlamaanka go’aan weyn ka gaaray shirkadda DP World, dowladdana ay gaartay horumar.

Ad

HOOS KA DAAWO

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

0FansLike
0FollowersFollow
5,909FollowersFollow
0FansLike
0FollowersFollow
5,909FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!