Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa soo saaray amar shaqadii looga joojiyey Sheekh ku caan baxay inuu dad u badan haween isugu keeno goobo, kadibna uu biyo ku rusheeyo, quraan-kana ku saaro.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland C/ladiif Muuse Nuur ayaa amray Booliska inay joojiyana howsha rusheynta ah ee Sheekh Cabdixaq Xasan Macalin (Rusheeye) uu doonayo inuu ka bilaabo magaalada Gaalkaco, inta arrintaasi la baarayo oo la isaga imaanayo.
Arrintan ayaa ka danbeysay iyadoo uu shalay magaalada Gaalkacyo gaaray Sheekh Cabdul-xaq Rusheeye oo wata Kolonyo baabuur ah oo ay ku jiraan Booyado la sheegay inay sida Tahliil dadka lagu rusheeyo.

