Madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ee gobollada dhexe Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shaaciyay inuusan aqoonsanayn maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Wuxuu ku dooday in maamulkiisa uu ka taliyo Gobollada Mudug, Galgaduug iyo Hiiraan, isla markaana ay xuduud le leeyihiin maamulada Puntland iyo Koonfur Galbeed oo aanay jirin maamul aan ahayn kan uu isagu madaxweynaha ka yahay.
“Maamulkeenna waxaa ku mideysan oo taageersan Galmudug, Alhu-sunna Iyo Ximin Iyo Xeeb, waana maamul ay ku jiraan dhammaan beelaha dega Mudug, Galguud iyo Hiiraan” sidaa waxaa yiri Sheekh Shaakir oo wareysi siiyay idaacadda Goobjoog ee Muqdisho.
Wuxuu meesha ka saaray inay ku biirayaan maamulka Galmudug, wuxuuna meesha ka saaray inay hubka ay heystaan ku wareejin doonaan dowladda federaalka.
Arrintan ayaa meesha ka saarey rajo laga qabay in maamulka Ahlu suna uu ku biiro Galmudug, kana qeyb galo doorashada madaxweynaha oo 21-ka Bishan ka dhici doonto mahgaalada Cadaado.
Goobjooge.com