Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaaladda askarta Soomaalida ee ku maqan dalka Eritrea.
Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku sheegay inuu ka walaacsannahay Warbixinta ergeyga gaarka ah ee Q/Midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul Insaanka ee ka hadlaysa xaaladda askarta Soomaalida ee loo qaadey Eritrea ee lagu sheegey ku lug lahaanshaha dagaalka Ethiopia.
“Waxaan ku baaqeynaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo halkii ay ku dambeeyeen dhalinyaradaas, iyadoo aan Xukuumadda usoo jeedinayno inay ka jawaabto baaqyada waalidiinta ubadkoodu maqan yihiin oo warbixinta lagu sheegey in ay qayb ka noqdeen dagaallo ka dhacay magaalada Aksum ee gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu sheegay inuu walwalka la qaybsanayo waalidiinta iyo ehelka dhalinyaradaas la la’ yahay. “Waa arrin ay tahay in mas’uuliyaddeeda lagula xisaabtamo madaxda dowladda ee ka dambeeyey falkaas foosha xun” ayuuna yiri Sheekh Shariif.
