Monday, July 14, 2025

Sheekh Shariif: “Askartii ka dambeysay dilka shacabka & cidii amartayba waa in sharciga la horkeeno”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale guddoomiye u ah Isbaheysiga xisbiyada Mucaaradka ayaa cambaareeyay falkii askar ka tirsan ciidamada dowladda xalay ku dileen dad shacab ah oo dhaliyay bannaanbax rabshado watay.

“Ugu horeyn waxaan cambaareynaynaa falkii sharci darrada ahaa ee Dad shacab ah booliska ugu dileen Magaalada Muqdisho, waxaana ku baaqaynaa in askartii ka dambeysey falkaas, iyo cidii amartayba sharciga la horkeeno oo cadaaladda la marsiiyo.” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay inuu hore uga digay waqtiga bandowga oo culeys ku ah dadka.

“Waxaan horey uga dignay in waqtiga bandowga uu culeys ku yahay dadka Muqdisho oo horey ugu dhibanaa wadooyinka laga xirey, innaga oo ku talinay in ilaa 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino dib loo dhigo bandowga, waxaana markale ku baaqaynaa in xilligaas laga dhigo maadaama aan aragno dhibaatada ka dhalatay waqtigii hore…” ayuu baqiisa ku yiri Sheekh Shariif

sheekh Shariif ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadkii sida sharci darrada ahaa loo dilay, wuxuuna u rajeeyay inuu samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON