Monday, July 14, 2025

Sheekh Shariif & Cumar C/rashiid oo Abu Dhabi u tegay taageerada kaalinta Imaaradka Carabta [Daawo]

Madxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali ayaa dalka Imaaraadka Carabta u tegay xaflad ay soo abaabushay dalkaasi oo ka dhacay safaaradda Soomaalida.

Labadan mas’uul oo ka mida madaxda Soomaalida ee gacansaarka hoore la leh Imaaraadka Carabta ayaa kasoo muuqday xaflad si degdeg loo abaabulay oo uu hormuud k ahaa safiirka Soomaaliya u jooga Imaaraadka C/qaadir Sheekhey.

Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid ayay Wakaalada wararka Imaaraadka ka soo xigatay inay si weyn u bogaadiyeen kaalintii lama iloobaanka ahayd ee Imaaraadka Carabta ka qaadatay gargaarkii loo fidiyay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa mid mid u sheegay madaxweynaha iyo amiirada Imaaraadka isagoo caddeeyay in Imaaraadku ahaa dalka kaliya ee mar waliba Soomaaliya garab taagnaa xaalad kasta oo lasoo gudboonaata.

HOOS KA DAAWO

SHEEKH SHARIIF AXMED

SAFIIRKA SOOMAALIYA EE UAE

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON