Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo bilaabaya socdaal siyaasadeed oo taageero raadin ah.
Sheekh Shariif waxaa si diiran magaalada Nairobi ugu soo dhoweeyay Soomaali fara badan, waxayna wararka qaarkood sheegayaan inuu caasumaad ka helay dowladda Kenya.
Madaxweynaha hore oo ah musharax madaxweyne doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo aakhirka sanadkan ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda dalka Kenya.
Kenya ayaan xiriir wanaagsan la lahayn Sheekh Shariif xiligii uu madaxweynaha ahaa, waxayna mar dhex maray isku dhac siyaasadeed oo xoog leh markii ciidamada Kenya si sharci darro ah ku soo galeen Soomaaliya, laakin Kenya ayaa dooneysa inay xiriir dhow la yeelato musharixiinta waaweyn ee laga yaabo inay xilka qabtaan.
DAAWO SAWIRRO