Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hambalyada Ciidul fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale dhaliilay dowladda Soomaaliya iyo dhaqaatiirta waaweyn ee Soomaalida.
Sheekh oo hoggaamiya isbaheysiga Xisbiyada Muraacka ayaa sheegay in dowlado kala duwan ay Soomaaliya ugu deeqeen qalab iyo daawo si loogula tacaalo Cudurka Covid-19, laakiin aan qaarkood loo isticmaalin sidii loogu taloglay oo suuqa ay galeen.
“Waxaan la soconaa in qalab farabadan ay dowlado kala duwan keeneen, waxana muuqata in sidii loogu talogalay loo isticmaalin oo qaarkood naloo sheegay in suuqa lagu arkay, arrimahaasi ma fiicna amaanada sidii loo keenay in loo guto ayaa la rabaa” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu dhinaca kale ku dhaliilay dhaqaatiirta waaweyn ee dalka wax u soo bartay in xilligan oo dalku ku jiro xaalad halis ah caafimaad ahaan ay ka fekeraan dhaqaale, ayna ku tahay ceeb inay mar waliba sidasi u fekeraan.
“Dadkii wax usoo bartay dalkaan inay maalin waliba ka fekeraan dhaqaale waa ceeb.. waxaa la rabaa in xilligan oo kale ay joojiyaan howlaha kale oo aysan dhaqaale ka fekerin..” ayuu yiri Sheekh Shariif.
