Monday, June 23, 2025

Sheekh Shariif & xubnaha Xisbigiisa oo Madaxweynaha Jabuuti kala hadlay Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka mida xisbigiisa ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka Sheekh Shariif iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ka dhici doona sanadka 2021-ka, iyadoo Shariif Sheekh Axmed sheegay inay warbixin ka siiyeen madaxweynaha Jabuuti aragtida xisbigiisa ka qabo doorashada soo socota ee Soomaaliya.

“Waxaan soo gaarnay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, iyada oo aan kulan gaar ah la qaadannay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu wehliyo safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb Aadan Xasan Aadan. Waxaan ka wada hadalnay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka innaga oo warbixinna ka siinnay aragtida Himilo Qaran ee dhismaha dowladnimada iyo doorashada la filayo 2020/2021…” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif.

Ad

Sheekh Shariif waxaa ku wehliyey Xoghayaha arrimaha dibadda Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Danjire Cabdirisaaq Shoolle oo kamid ah xubnaha sare ee Xisbiga, kaasoo dhowaan ahaa xubnaha ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON