Wednesday, June 25, 2025

Sheekh Shibli: “Denbiyada Kufsiga dilka wata & Afduubka dowlad ma cafin karto, Tolna kama xaali karo…”

Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli oo kamid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa si faahfaahsan uga hadlay waxa ay diinta Islaamka ka qabto arrimaha kufsiga iyo dilalka la socda ee kusoo batay degaanada Soomaalida.

Sheekha oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ayaa sheegay in Dilku xaqdarrada ah uu leeyahay qisaas, haddii ay dilkaasi isugu tageen ilaa Boqol xitaa loo dilay falka ay geystaan ee dilka ah, xukunkooduna yahay Dil.

“Kufsi haddii u yahay laba ayaan u kala qaadeynaa, haddii hub loo adeegsado ama la afduubto waxay noqoneysaa xadkii Xiraabada (dagaal), waxaana xukuminayaa in is-dhaaf loo jaro xubnahooda meel fagaare ahna laga laadlaadiyo ama dil kale.. oo Qaadigu xukumnayo. Haddii falka yahay kufsi aan wax kale wehlin waxa la marinayaa xadkii in dhagax lagu dilo qofka geystay haddii uu guur soo maray ama Karbaash iyo sanad masaafurin ah..” ayuu yiri Sheekh Shibli oo wareysi siiyay IDaacadda VOA-da.

“Sinada kufsiga ah sharcigu ma ogola in laga xaalo.. xadka Sinada Tol iyo Reero kama xaali karaan, dowladna ma cafin karto. Odayaasha iyo tolka Kufsiga iyo afduubka sharcigu ma ogola inay galaan, mana jirto dowlad ma cafin karto, waa in sharciga la fuliyaa..” ayuu amar kale Sheekha oo sheegay in fulinta xadkaasi uu yahay waajib laga rabo dadka iyo maamulka meesha ka jira.

Dalka Soomaaliya waxaa sanadihii lasoo dhaafay aad u kordhay tacadiyada ay kamidka yihiin kufsi wadeeradka iyo dilalka loo gaysanaayo dumarka Soomaaliyeed. Dhacadii u dambeeysay waxay ahayd mid toddobaadkii la soo dhaafay muqdisho loogu geystay gabar dhallinyaro ah oo kufsi iyo dil la isugu daray.

DHAGEYSO WAREYSIGA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON