Sunday, July 13, 2025

Taliska Booliska oo shaaciyey Dad Cusub oo loo qabtay Kiiskii Dilka & Kufsiga Xamdi (Yaa ka mida dadka la xiray?)

Taliska Ciidamad Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin cusub ka bixiyey kiiska dilka kufsiga maxruumad Xamdi Maxamed Faarax oo Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayenke Booliska ayaa sheega in kiiska loo hayo 11 qof oo lagu eedeeyay, isla markaana baritaanku meel fiican marayo, lanas ii daayey 2 qof oo tuhun loo xiray, kuwaasoo maxkamad ay amartay in lasii daayo, wuxuuna codsaday in laga taageero wixii xog ah oo kiiskan laga hayo.

Dadka la xiray ayaa waxaa ku jira maamulkii iyo milkiilaha Hotelka Marwo ee falku ka dhacay iyo xubno lagu tuhunsan yahay falka dhacay, iyadoo Boolisku uu daba joogo xubno kale oo rajo laga qabo in gacanta lagu soo dhigo.

Xamdi Maxamed Faarax ayaa geeriyootay markii laga soo tuurtay Dabaq dheer hotel lagu macgaabo Marwo oo ku yaalla Waaxda Maajo eee degmada Waaberi, iyadoo la sheegay in la kufsaday kadibna la dilay.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA BOOLISKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON