Monday, December 16, 2019
More

    Sheekh Soomow oo ka dalbaday C/raxmaan C/shakuur inuu meel fagaare ah ku towbad keeno [Akhriso Sababta]

    Sheekh C/qaadir Soomow ayaa ka dalbaday syaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame inuu meel fagaare ah ku towbad keeno, kadib markii uu ku gefay xadiis ka sugnaaday Rasuulka SCW kuna sheegay inuu yahay xadiis faasid ah.

    Sheekh Soomow oo muuqaal soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay in xadiiska sheegaya in haweenka ay caqli ahaan iyo diin ahaan nusqaan yihiin uu yahay xadiis sugan oo ay weriyeen Imaamyada Xadiiska Nebiga NNKH ee Bukhaari iyo Muslinm, isla markaana ninkii beeniya uu la mid yahay nin beeniyey dhammaan Axaadiista Nebiga SCW, wuxuuna ka dalbaday C/raxmaan Shakuur inuu meel fagaare ah ku towbad keeno.

    Ad

    Dadkii u sacbiyey ee ku sugnaa xaflad ka dhacay dalka Jarmalka ayuu sidoo kale sheegay in laga rabo inay ka towbad keenaan arrintaasi. Sheekh Soomow ayey tahay markii labaad ee uu iska laadlaadiyo culimada iyo siyaasiyiinta, isagoo dhowaan eedeyn ba’an u jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo sababay in la baajiyo muxaadaro ay dowladda u qabanqaabisay.

    XADIISKA HOOS KA AKHRISO

    حديث «نَاقِصَاتِ عَقْلٍ وَدِينٍ» أخرجه الشيخان فى صحيحيهما صحيح البخارى (1/68)، صحيح مسلم (1/86) واللفظ للبخارى بسنده عَنْ أَبِى سَعِيدٍ الخُدْرِيِّ قَالَ: خَرَجَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ فِى أَضْحَى أَوْ فِطْرٍ إِلَى المُصَلَّى، فَمَرَّ عَلَى النِّسَاءِ، فَقَالَ: «يَا مَعْشَرَ النِّسَاءِ تَصَدَّقْنَ فَإِنِّى أُرِيتُكُنَّ أَكْثَرَ أَهْلِ النَّارِ» فَقُلْنَ: وَبِمَ يَا رَسُولَ اللهِ؟ قَالَ: «تُكْثِرْنَ اللَّعْنَ، وَتَكْفُرْنَ العَشِيرَ، مَا رَأَيْتُ مِنْ نَاقِصَاتِ عَقْلٍ وَدِينٍ أَذْهَبَ لِلُبِّ الرَّجُلِ الحَازِمِ مِنْ إِحْدَاكُنَّ»، قُلْنَ: وَمَا نُقْصَانُ دِينِنَا وَعَقْلِنَا يَا رَسُولَ اللَّهِ؟ قَالَ: «أَلَيْسَ شَهَادَةُ المَرْأَةِ مِثْلَ نِصْفِ شَهَادَةِ الرَّجُلِ» قُلْنَ: بَلَى، قَالَ: «فَذَلِكِ مِنْ نُقْصَانِ عَقْلِهَا، أَلَيْسَ إِذَا حَاضَتْ لَمْ تُصَلِّ وَلَمْ تَصُمْ» قُلْنَ: بَلَى، قَالَ: «فَذَلِكِ مِنْ نُقْصَانِ دِينِهَا».

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    131,746FansLike
    1,345FollowersFollow
    3,613FollowersFollow
    131,746FansLike
    1,345FollowersFollow
    3,613FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!