Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mida culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa goor dhoweyd ka hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay inaysan qorshaha ugu jirin Caawa in la raadiyo Bil Ramadaan.
Sheekha ayaa sheegay in dad badan ay su’aalo soo weydiiyeen ku saabsan dhalashada Bisha ramadaan, wuxuuna caddeeyay inta badan caalamka islaamka sida Khaliijka ay maanta oo Arbaco ah u ahayd 28-ka Shacbaan, iyadoo Berri Khamiista maqribkii la raadinayo bisha.
Sheekh Umal ayaa sheegay in dadka ay ku khaldameen taariikhda qoran ee Hijriyadda iyo muuqaal xilli hore oo lasoo jarjaray, kana baxay TV-da Aljazeera, kaasoo baraha bulshada lagu faafiyey, iyadoo aanay jirin cid Bil raadisay Caawa ama sheegtay Bil Ramadaan, haddii Berri oo Khamiis ah la arki waayana la soomi doono Sabtida.
Dhinaca kale Dalalka Masar iyo Tunisia oo ka mida dalalka ay maanta Bisha Shacbaan u ahayd 29-ka ayaa ku dhawaaqay inay suuragal noqon weyday arragtida bisha Ramadaan, kadibna waxay go’aanno kasoo baxay ku sheegeen in Ramadaanka sanadkan 1441H. uu bilaabanayo Jimcaha.
Dalalka Turkiga, Ciraaq, Masar iyo Tunisa ayaa Bisha Shacbaan ay maanta oo Arbaco ah ay u ahayd 29, taasoo keentay inay maqribka caawa raadiyaan Bisha.
Inta badan dalalka Khaliijka iyo kuwa islaamka ayaa Berri oo Khamiis ah raadinaya dhalashada Bisha Ramadaan 1441 Hijiriyada, isla markaana Jimcaha oo ku beegan 24-ka April 2020 ay noqon karto koowaad ee Bisha Ramadaan, haddii la arko.