Thursday, March 28, 2024

Sidee Cudurka Coronavirus u bedelay midabka Qaar ka mida Dadkii ka bogsooday…? (Saameyn yaab leh)

Waxaa dhwoaan la ogaaday in qaar ka mida dadkii ka bogsooday cudurka Covid-19 uu ku keeni karo saameyn culus sida inuu midabkoodu is bedelo ama wax gaarsiiyo maskaxdooda.

Dadkii ka bogsooday qaarkood ayaa lagu arkay inuu isbedelay jirkooda, waxaana tusaale loo soo qaatay laba dhaqtar oo Shiinees ah, kuwasoo cudurka Coronavirus uu haleelay, kadibna xaalad halis ah gaaray, balse ka badbaaday, waxayna labadan dhaqtar oo Shiinees ahaa uu jirkoodii noqday madow.

Dr. Yi Fan iyo Dr. Hu Weifeng, labaduba ay 42 sano jir yihiin, ayaa ka mid ahaa dhaqatarrada magaalada Wuhan ee la dagaalamayey cudurka Covid-19, waxayna ka shaqeynayeen Wuhan Central Hospital bishii Janaayo, taasoo keenay inay qaadaan cudurkii oo dagaal dheer kadib ay ka badbaadeen, laakiin wuxuu jirkoodu isu bedelay Madow.

Ad
فيروس كورونا يؤثر على الكبد مما قد يؤدي لتغير لون الجلد (محطة تلفزيون بكين)

Arrintan ayaa la sheegay inay ka dhalatay markii uu dhaawac gaaray Beerkooda, iyadoo uu Hormoonkoodii lumiyey miisaankii, sida ay shaacisay warbaahinta Shiinaha.

Labada dhaqtar ayuu cudurka ku dhacay bishii 18-ka bishii Janaayo, waxaana markii hore la dhigay isbitaalka Wuhan Pulmonary Hospital, iyadoo kadibna la geeyay isbitaalka Tongji Hospital.

Labadan Dhaqtar ayaa xaaladoodu gaartay meel xun, waxaana aad u sii daran Dr Hu oo muddo 99 maalmood isbitaal ku jiray, iyadoo weli caafimaadkiisu liito.

- Advertisement -

Coronavirus ayaa sidoo kale la sheegay in dadka ka badbaada ee heerka culus uu gaaro uu reebo dhaawac dhinaca maskaxda ah oo qaarkood la dareemay inaysan deganeyn xaaladooda.

Labadan calamaadood ayaa ilaa hadda ah noqday kuwa ugu culus ee la soo dersa dadka ka bogsooda cudurka Covid-19 oo weli la baarayo saameynta uu yeesho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON