Friday, April 19, 2024

Sheekh Umal oo ka jawaabay eedeyntii uga timid Sheekh Soomow & Muxaaradii magaalada Muqdisho oo…

Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah culumaa’udiinka waaweyn ee Soomaalida ayaa ka jawaabay eedeyn uga timid Sheekh degan magaalada Muqdisho iyo muxaarado uu qabanayo maalinta Jimcaha ah ee 22-ka bisha November, 2019-ka, taasoo ka dhici doonta Garoonka Injineer Yariisoow ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Umal oo fadhigiisu yahay dalka Kenya oo maalmahan ku sugnaa caasimadda Soomaaliya, kadib markii uu kaalmo gaarsiiyey magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay inay muxaaradda uu jeedinayo ay tahay mi ay ogtahay dowladda Soomaaliya, dalkiisiina uu joogo oo cidna uu fasax kaga rabin.

“Aniga ma ogi fatwo tey ah oo suufiyo lagu laayay, wuxuu u baahan yahay inuu keeno meesha aan aniga ku iri suufiyada hallalaayo, ama dariiqooyinka hallalaayo, ama aan ku iri waa gaalo, isaga ayaa looga baahan yahay inuu caddeeyo”. ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka jawaabay eedeyn kasoo yeertay Sheekh C/qaadir Soomow oo ku saabsneyd inuu gaaleysiiyey Suufiyada, isla markaana uu taageero fekerka xagjirka ah ee diinta.

Ad

“Wadaad si gooni ah u jiran haddii uu jiro waa wax isaga u yaallo, caddeyn ayaa looga baahan yahay waxa uu sheegayo..” ayuu yiri Sheekh Umal oo caddeeyay in ujeedkiisu yahay inuu dadka la hadlo mar waliba uu taasi sameyn jiray.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA BBC-DA

Warar Xul ah
SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON