Sunday, June 22, 2025

Sheekh Xasan Daahir oo farriin u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo Dowladda Federaalka [Akhriso]

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mida hoggaamiyeyaasha Xisbul islaam iyo Alshabaab oo xabsi guri ugu jira dowladda Federalka ayaa soo saaray muuqaal video kale oo uu uga hadlayo xaaladda dalka.

Sheekh Xasan Daahir ayaa muuqaalka uu soo duubay farriin ugu diray kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan inay qabiil u adeegsadaan siyaasadda, wuxuuna dowladda iyo mucaaradka kula taliyay inay yareeyaan xiisadda.

Mucaaradka dowladda ayuu ugu baaqay inay ciyaariyaan kaalin wax dhiseysa ee aanay noqon kuwa wax dumiya, waxayna farriintiisa u muuqatay mid dhexdhexaad ah oo la isugu soo dhoweynayo labada dhinac.

Ad

Sheekh Xasan Daahir ayaa ku bogaadiyey kooxda Ahlu suna in degaanada ay ka taliso ay nabad ka dhigtay, isla markaana ay heshiis dhex dhigtay beelaha ku dagaalamay gobolka Hiiraan.

Sheekh Xasan Daahir ayaa bilaabay muddooyinkii ugu danbeeyay inuu muuqaalo soo duubo, isagoo ka hadlaya xaaladda dalka iyo arrimaha siyaasadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON