Wednesday, June 25, 2025

Sheekha Caanka ah ee Yuusuf Al-Qardaawi oo laga saaray Liiska dadka la raadinayo ee Interpol

Booliska Adduunka ee Interpol ayaa liiska dadka loo raadinayo dembiyo ay galeen ka saaray Sheekha caanka ah ee Sheekh Yuusuf Alqardaawi.

Sida ay shaacisay maanta Hay’adda Carabta ee Xuquuqda Insaanka  (AOHR) Sheekha fadhigiisu yahay dalka Qatar ee kasoo jeeda Masar ayaa laga Liiska denbiilayaasha “Wanted”-ka ah, iyadoo ay hore eedeymo ugu soo oogtay dowladda Masar.

Masar ayaa ku eedeysay Sheekh Qardaawi inuu ka dambeeyay falal dembiyo waaweyn ah oo ay ka mid yihiin dhiiri gelin qalalaase, dil iyo dhac, kadib inqilaabkii  2013 uu C/fataax Alsisi ku qabsaday xukunka dalka Masar, taasoo keentay in Interpol soo saarto amar qabasho.

Bayaanka maanta soo baxay ayaa Hay’adda Xuquuqda Insaanka Carbeed oo fadhigeedu yahay London ay shaacisay in Sheekh Yuusuf Alqardaawi aanu dalka Masar ku sugneyn xilliga inqilaabka iyo dhibaatada ka dhacday dalka Masar, isla markaana eedeynta dowladda Masar ku soo oogtay Sheekh loo waayay wax caddeyn ah.

Sheekh Yuusuf Alqardaawi
Sheekh Yuusuf Alqardaawi

Guddoomiyaha ururka AOHR Mohamed Jamil ayaa sheegay in xaqiiqada ay caddeysay Interpol ay weji gabax ku tahay nidaamka Masar ka jira oo dad fara badan laayay, qaarka xabsiyada dalkaasi ku jiraan.

Interpol ayaa sanadkii 2014 soo saartay amar qabasho oo ku dhan ah Sheekh Yuusuf Alqardaawi oo ahaa guddoomiyaha hay’adda culimada islaamka, markii ay sidaasi dalbaday Masar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON