Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ah culimada ugu waaweyn e Alshabaab, laguna tilmaamo Sheekha ruuxiga ah ee Alshabaab ayaa ka hadlay cudurka Coronavirus oo uu ku tilmaamay musiibo uu Alle ku ciqaabayo dowladaha gaallada ah ugu waaweyn ee reer Galbeedka.
Sheekh Fu’aad oo khudbad ka jeedinayey masjid aan la magacaabin oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ayuu sheegay in musiibada Coronavirus uu Rabbi ku ciqaabay reer Galbeedka ee dhibay dadka Islaamka oo hor istaagay in diinta Islaamka la isku xukumo.
“Mareykanka, Spain, Talyaaniga, France iyo Jarmalka waa shanta cadaawad ee ku heshiisay iyagoo u heysta inay adduunka xukumaan ayaa Alle ku qabtay cadaab.. Muslimiinta waxaa la rabaa inay ku farxaan musiibada ku dhaceysa Gaallada.. Ma aragteen diyaarad socota..?” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Maxamed.
“Maanta wuxuu Alle Gaalladii u soo diray cudur ay u bixiyeen Coronavirus iyo Covid-19, Amerika kibir ma ku taqaaneen.. Talyaani maku taqaaneen, Igririis, Farance iyo Spain.. America ka bilow habar Talyaani kusoo gabagabeey magaalo furan ma jirto.. New York oo dalka uu weyneyd dariiqyada hal qof ma socdo iyo baabuur… Talyaaniga waa xarunta kufriga iyo Daarta Gaallada, 115,942 ayuu ku dhacay Talyaaniga, waxaana dhintay 13,915 qof. Wadanka ku xiga waa Spain..” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo tiriyey dadka uu cudurka ka laayey dalalka Spain, Mareykana iyo dalalka kale ee Yurub.
Sheekha wuxuu sheegay in Gaallada la habaaro ay cibaado tahay… iyadoo ugu baaqay Muslimiinta inaysan ka gaabin habaarka Gaallada, wuxuuna soo qaatay aayado qur’aan ah oo ka hadlaya cadaabkii uu Alle ku riday gaalada umadihii hore.
HOOS KA DHAGEYSO