Tuesday, November 29, 2022

Sheekhii caanka ahaa ee Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi oo ku geeriyooday dalka Qatar

Sheekhii caanka ahaa ee Reer Masar Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi ayaa la shaaciyey inuu goor dhoweyd ku geeriyooday, magaalada Doha ee dalka Qatar.

Geerida Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi waxaa lagu xaqiijiyey Bogagga rasmiga ah ee uu lahaa Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi ee Facebook-ga iyo Twiterka, waxaana bilowday tacsida dunida islaamka oo dhan u direyso caalimkaasi.

Farriinta tacsidiisa ayaa lagu yiri: “Waxaan Eebe uga baryaynaa inuu ka aqbalo camalka wanaagsan ee uu qabtay, uuna la mid noqdo nebiyada, run-sheegga, shuhadada iyo kuwa wanaagsan”.

Ad

Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi ayaa ku geeriyooday da’da 96 sano jir, wuxuuna ahaa aasaasihii Hay’adda culimada Islaamka iyo caalim caan ka ah dunida islaamka.

Wuxuu ku dhashay dalka Masar, balse wuxuu muddooyinka damne ku noolaa dalka Qatar oo dhalasho siisay, markii ay isku dhaceen dowlada Masar oo eedo taageerid argagixiso u jeedisay.

Sannadkii 2008-dii, Yusuf Al-Qaradawi waxa uu kaalinta saddexaad ka galay 20 shakhsi oo ku jira liiska mufakiriinta ugu saamaynta badan adduunka, cilmi-baadhis ay sameysayn majalladaha caanka ah ee “Foreign Policy’

- Advertisement -

Al-Qaradaawi waxa uu qoray in ka badan 170 Kitaab, isagoo ka qayb galay shirar, siminaaro iyo barnaamijyo talefishin oo ahaa kuwii ugu badnaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!