Friday, June 27, 2025

Shiinaha oo kusoo biiray dalalka ku loolamaya dhaqaalaha Soomaaliya & Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda

Madaxweynaha Dowladda Federaalka  Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Framaajo ayaa isu diyaarinaya socdaal uu ku tegi doono dalalka Turkiga iyo Shiinaha.

Socdaalka madaxweyne Farmaajo ayaa salka ku haya arrimo dhaqaale iyo ganacsi iyadoo dowladda Shiinaha ay olole weyn ug jirto inay Soomaaliya ku yeelato kaalin dhaqaale  iyo maalgelin, kuna soo biirtay dalalka Soomaaliya ku loolamaya.

Dowladda Shiinaha ayaa xoojisay sida ay u daneyneyso Soomaaliya, waxaana Muqdisho muddooyinkii ugu danbeeyay yimid wufuud isugu jira ganacsato iyo mas’uuliyiin kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha iyo wasaarado ka tirsan Xukuumadda, waxayna qaarkood booqdeen goobo ay doonayaan inay maalgeliyaan.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Shiinaha ayaa la xiriira casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Shiinaha oo bisha soo soo socota martigelin doona Shirka dhaqaalaha China iyo Afrika.

Shirka iskaashiga China iyo Afrika ayaa dalkaas ka dhacaya inta u dhaxeysa 3-da ilaa 4ta Bisha September ee sanadkan,waxaana ka qeybgelaya Madaxda Waddamada Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON