Sunday, June 22, 2025

Shiinaha oo laba Gantaal ku riday Diyaarad wax Basaasta oo Mareykanku leeyahay

Shiinaha ayaa laba Gantaal oo kuwa heerkoodu yahay meel dhexe ah ku riday diyaarad wax basaasta oo Mareykanku leeyahay Zoon-ka lagu muransan yahay ee Badda Koonfureed ee Shiinaha.

Gantaallahan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa ridadoodu meel dhexaadka tahay, iyadoo digniin ahaan loogu ganay diyaarad nooca wax basaasa ah ee Mareykanka oo nooceedu yahay US U-2, waxaana arrintan ay uga sii dareysaa xiisadda ka dhaxeysa labada dal oo dagaal ganacsi ka dhex oogan yahay.

Sida ay qortay jariirada “The South China Morning Post” gantaalaha ciidamada Shiinaha isticmaaleen si ay ugu digaan diyaaradda Mareykanka ayaa kala ahaa: gantaalka heerka dhexe ee balastikad ah DF-26B oo laga riday Gobolka Qinghai gantaalka kale ee la midka ah ee DF-21D oo isna laga riday Gobolka Zhejiang Arbacadii, si loogu digo diyaaradda Mareykanka oo dul mareysay goobta ay Shiinaha u bixiyeen inay ka caagan tahay duulimaadyada “no-fly zone” area.

Ad

Mareykanka ayaa ku eedeeyay China inay awodeeda ku muujieyso Badda caalamiga ah iyo dhulka lagu lagu muransan yahay ee Koonfur Bari Aasiya, sida uu sheegay wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper.

Dhinaca kale Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda China ayaa sheegay in tallaabada Mareykanka qaaday ee diyaarad basaas ugu soo diray degaankaasi ay tahay daadaansi, wuxuuna Mareykanka uga digay inuu joojiyo tallaabooyinkaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON