Shil naxdin leh ayaa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii nin darawal ah oo watay gaari yar uu jiirsiiyay dhalinyaro kubad ku ciyaareysay degmada Yaaqshiid gaar ahaan wadadda Daaru salaam.
Shilkan oo ah kii ugu naxdinta badnaa ayaa waxaa ku dhintay 4 qof oo dhalinyaro ah, sidoo kale darawalkii gaariga waday oo noociisu ahaa Spacio AE4830 ayaa baxsaday.
Taliyaha Booliska Gobolka Banadir ayaa isna sheegay in dadka dhintay ay gaarayaan 4 qof, isla markaana uu baxsaday darawalkii oo lagu raad joogo.
War ay Sonna kasoo xigtay Afhayeenka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane, oo ku saabsanaa in 10 qof lagu dilay shilka ayaa la beeniyay.
Waa shilkii aan noociisa hore loo arag, mana cadda sababta shilka inuu ahaa wax loogu talo galay iyo mid mid kama’ ku dhacay.
Goobjooge.com