Monday, June 23, 2025

Shimbir sababtay in Diyaaradda Turkish Airlines ay degdeg u fariisato Magaalada Mombasa [Sawirro]

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa si degdeg u fariistay dalka Kenya kadib markii ay la soo gudboonaatay xaalad la yaab leh.

Diyaaradan oo siday rakaab gaaraya 121 qof iyo lix shaqaale ah socdkeeduna ahaa TK 673 ayaa xaalad degdeg qabsatay, taasoo keentay inay ku degto garoonka Mombasa ee magaalo xeebeedka dalka Kenya, iyadoo ku sii jeeday magaalada Istanbul.

Booliska ayaa sheegay in shimbir ay ku dhacday ayna dhex gashay mid ka mida Matoorada Diyaaradda, taasoo dhalisay xaalad degdeg ah oo diyaaradda qabsatay, ugu danbeyntiisa ay codsatay in loo ogolaado inay ku degto Garoonka Mombasa.

Diyaaradda aytaa muddo saacad ah ku dul wareegtay garoonka magaalada Mombasa si ay u dhameysto shidaalka badan ee ku jiray intii aysan ku degin Garoonka, mana jirin cid wax ku noqotay, waxaana xaaladeeda hubiyay farsamo-yaqaano, waxayna dib u sii wadatay socdaalkeedii.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON