Saturday, June 28, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir degdeg ah ugu yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale kadib shaqaaqadii maanta ka dhacday Isbitaal Digfeer ee loogu diiday guddoomiyaha inuu galo Isbitaaalkaasi xilli uu doonayay inuu booqdo dhaawacyadii qaraxyada magaalada Baydhaba.

Arrintan ayaa si weyn uga careysiisay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaana ciidamada ilaalada Turkiga ay ku adkeysteen inuusan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir gudaha gelin isbitaalka, iyagoo ku dooday inaysan heysan wax ogolaansho ah, horena aan loola socodsiin booqashadiisa.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka wadahadlay sida loo xalin lahaa wixii ku dhacay Guddoomiye Boorsaani, iyadoo isbtiaalada Turkiga ay heegan ku jiraan xaaladda ammaanka Muqdisho darteed, isla markaana Guddoomiyaha Gobolka iyo xogheyntiisa ku fashilmeen inay ogeysiis siiyaan maamulka Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dalbaday in maamulka isbitaalka ay  raali gelin bixiyaan, isla markaana balan qaad ku bixiyaan inaysan dib u dhici doonin arrintaas oo kale.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON