Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka furmay shir loogu gogol xaarayo wejiga labaad ee shirka wadatashiga Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxda Dowladda Federaalka.
Shirkan waxa guddoominaya Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ka qeyb galaya Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo shanta madaxweyne ee maamul Goboleedayada Dalka, wuxuuna ka socdaa Xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.
Arrinta ugu adag ee shirkan hortaalla ayaa ah sidii loo furi wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb, ajandayaasha shirka iyo in is-afgarad laga gaaro nooca Doorasho ee dalka ka dhaceysa 2020/2021, taasoo khilaaf weyn ka taagan yahay.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa go’aankooda Doorashada Gaarsiinaya Madaxweyne Farmaajo oo ku dhegan Doorasho qof iyo cod ah, waxayna isku waafaqeen inaysan dalka ka dhici karin Doorasho Qof iyo Cod ah.