Waxaa Magaalada Adis Ababa ee alka Itoobiyaka furmay shir la sheegay in looga hadlayo arrimaha federaalka Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirada maamul Goboleedyada dalka iyo Wasaaradda Dastuurka oo agaasimaheeda uu ka dhex muuqday, iyadoo la sheegaya inay sidoo kale ka qeyb galayaan xubno ka socda dalalka Itoobiya iyo Kenya.
Waxaa shirka soo qabanqaabiyay urur Goboleedka IGAD, isagoo socon doona dhowr maalmood, waxaana wasiirka Dastuurka xukuumadda laga soo xigtay inuusan la socon shirka oo uu fadhiyo Agaasimaha Wasaaradiisa