Wednesday, June 25, 2025

Shir looga hadlayo xaaladda Amniga oo ka furmay Kismaayo [Beesha Caalamka oo ka qeyb galeysa]

Shir looga hadlayo amniga dalka ayaa ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Shirkan  waxaa  ka qeyb galaya Wasiiru-dowleyaasha Wasaaradaha Amniga Dowlad goboleedyada Dalka, Guddoomiye ku-xigeenka amniga gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee Wasaradda amniga gudaha dalka, saraakiil booliska ah, UN-ka iyo AMISOM ayaa ka furmay magaalada kismaayo.

Shirkaan ayaa looga hadli doonaa arrimaha amniga dalka tayeynta Ciidanka booliiska,wada shaqeynta hay’aha amniga dowlad gboleedyada dalka iyo kuwa qaranka. Wasiiru Dowlayaasha Wasaaradaha amniga Dowlad goboleedyada Dalka ayaa shirkaan ku tilmaamay mid lagu xoojinayo amniga, wada shaqeynta Dowladda Federaalka  iyo Maamul goboleedyada.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyada uu leeyahay  shirkaan maanta kismaayo ka furmay,waxaana uu Wasiirku sheegay in xooga lagu saari doono tayeynta Ciidanka booliiska dalka iyo xoojinta Amniga dalka.

Shirkaan ayaa socon doona mudo labo casha ah,waxaana diirada lagu saari doona xasiloonida dalka iyo wada shaqeynta lamaaha Amniga. Wuxuu shirku ka mid yahay shirar fara badan oo dhinaca ammaaka ku saabsan, kuwaasoo go’aannada kasoo baxa aanay inta badan hirgelin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON