Guddoonka Baarlamaanka ayaa Berri xildhibaannada Golaha Shacabka ugu yeeray inay isugu yimaadaan kulan ka mida kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Fariinta koowaad ee xogheynta Baarlamaanka u dirtay xildhibaannada ayaa ahayd sida soo socota: “Mudanne Xildhibaan Berri oo Arbaca ah Tar. 9 September, waxaa jira Kulan weynihii Golaha. Ajendaha 1aad: Akhrinta 2aad ee Sharciga Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha; Saacadu waa 09:00 subaxnimo”
Wax-yar ka dib waxaa farriin kale loo diray xildhibaannada Golaha shacabka, iyadoo lagu wargeliyay inuu baaqday kulankii Baarlamaanka, iyadoo aan la sheegin sababta loo baajiyey. waxayna farriinta danbe ay ahayd: “Mudane Xildhibaan SHIRKII Beri oo Arbaca ah Tar. 9 September, loo balansanaa WAA BAAQDAY.”

Kulamadii Baarlamaanka ayaa noqday kuwa gabaabsi ah, wixii ka dambeeyay markii ay kalsoonida kala noqdeen xukuumadii Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre.