Thursday, July 17, 2025

Shir siyaasiyiinta Beesha Sade uga furmaya Muqdisho & Max’ud Sayid Aadan oo Muqdisho ku laabtay

Siyaasiyiintii Gobolka Gedo ee Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamed Aw-Libaax oo  muddo laba bilood ku dhowaad ah ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo hore ay u soo baxeen warar sheegaya in xilal laga siin doono golaha wasiirada Jubba ee dhowaan la magacaabayo.

Sayid

Xilligii ugu danbeeyay waxay labadan mas’uul  mari u ahaayeen Axmed Madoobe iyagoo  deganaa qeybta martida ee xarunta Madaxtooyada Jubbaland,  magaalada Kismaayo, waxaana jira waanwaan weli laga dhex wado labada dhinac ee Gobolka Gedo iyo maamulka Axmed Madoobe oo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ka socota.

Maxamuud Sayid Aadan oo hore ugu dhawaaqay inuu dhammaaday khilaafkii kala dhaxeeyay maamulka Jubbaland ayaa mar kale loogu baahday inay qeyb ka noqdaan dadaal kale oo lagu doonayo in Gobolka Gedo looga saaaro saaxiibkood Maxamed Cabdi Kaliil oo ku haray mucaaradnimada Axmed Madoobe.

Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa la sheegay inuu magaalad Muqdisho ka abaabulay shir siyaasiyiinta Gedo siyaasiinta Gedo ee Beesha Sade ay loogu mideyn lahaa taageerada maamulka Axmed Madoobe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON