Thursday, July 10, 2025

Shirarkii Golaha Wasiirada oo u xayiran qorshe uu maleegay Madaxweynaha

Wararka laga haleyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha soona gaaray xarunta Goobjooge.com ayaa sheegaya in shirarkii joogtada ahaa ee ay yeelan jireen Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya loo qaban waayay kadib markii uu soo baxay qorshe ay soo maleegeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirkii hore ee garsoorka, kuna magacaaban wasiirka xanaanada xoolaha Md. Faarax Sheekh C/qaadir.

FADHIGA GOLAHA WASIIRADA
FADHIGA GOLAHA WASIIRADA

Qorshahan ayaa ku saabsan in haddiiba la qabto shirka Golaha wasiirada ay xubnaha wasiirada ah ee taageersan madaxweynaha soo jeediyeen qodobo ku saabsan khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dhex yaala ayna diidaan isbedelkii isku shaandheynta ahaa ee 25-kii Oktoobar uu sameeyay Ra’iisal wasaaraha. Qorshahan ayaa nuxurkiisu yahay in buuq iyo dood lagu kala tago ka dhacdo shirarka Golaha wasiirada kadibna lagu dhawaqo inay kala jabeen Golaha wasiirada, taasoo looga kaaftoomi karo mooshinka isna barbar socda qorshahan oo beesha caalamka ka hor timid.

Xubnaha wasiirada ugu cadcad ee loo dhiibay inay Golaha wasiirada kala diraan waxaa ugu horeeya Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Wasiiru dowlaha Maaliyadda oo si weyn ugu dhow madaxweynaha iyo wasiiro kale u diyaarsan inay taageeraan xubnaha la diyaariyay. Ra’iisal wasaare C/weli oo arrintan ka war helay ayaa ka maagay inuu qabto shirarkii Golaha wasiirada xilli ay sii murgeyso cakirnaanta siyaasadeed ee ka dhex oogan madaxtooyada iyo xukuumada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in kulankii ugu danbeey ee Golaha wasiirada uu Faarax Sheekh C/qaadir si farsameysan u sheegay inuu yahay  wasiirka Cadaaladda isla markaana warqadii xaadirinta ku saxiixay isla jagadiisii hore markii uu qalinkii ku tirtiray jagada cusub ee wasiirka Xanaanada xoolaha kuna qoray, wasiirka cadaaladda.

Goobjooge Info

London

[ad name=”HTML”]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON