Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee shirka Madasha Qaran uga socdo madaxda Soomaalida ayaa sheegaya in maanta oo Jimce ah hakad ku jiro shirka, iyadoo kulamo kala gaara ay leeyihiin madaxda maamulada iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu kulamo kala gaara la yeeshay madaxda maamulada dalka, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in qorshe waqti kordhin loogu sameeyo dowladda hadda jirta ay dib u soo cusboonaatay.
Xeer jajab lagu doonayay in la gaaro qaab isku dhaf 4.5 iyo degaan ayaa socon waayay markii ay ku gacan seyreen Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Guuleed, waxaana tanaasul muujiyay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo isagu hormuud ka ah waanwaan lagu gaaro go’aan lagu mideysan yahay.
Shirka oo lagu waday inuu socdo laba maalmood oo la soo afjaro gelinka dambe ee maanta ayaa hadda u muuqda in loo baahday waqti dheeraad ah si xal looga gaaro khilaafka ka taagan 4.5 iyo qaabka degaan midka ay tahay in la qaato.
Qaar kamida madaxda maamulka Jubba ayaa rajo ka muujinaya dadaalka socda ee lagu doonayo in go;aan wadajir ah uu kasoo baxo shirka Kismaayo.
Goobjooge.com