Thursday, January 21, 2021

Shirka Wadatashiga Doorashooyinka oo ka furmay Madaxtooyada & Qodobbo aan weli la isku af-garan (Sawirro)

Shirkii wadatashiga arrimaha Doorashada ee dhammeystirka Heshiiskii Dhuusamareeb III ayaa duhurnimadii maanta ka furmay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Waxaa shirka ka qey galaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, K/Galbeed, Juballand iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo qeyb ka ahaa shirkii Dhuusamareeb III.

Ad

Shirkan ayaa ku furmay qaab is arag ah oo kaliya ay ka qeybgalayaan madaxda, iyadoo aanay cidna ku wehlin, waxaana la sheegay inaan la isku afgaran qaabka loo wadahadlayo iyo ajendayaasha laga doodayo.

Shirkan ah oo mudd saddex toddobaad ku dhow dib u dhacayey ayaa maanta furmay, waxaana looga doodi doonaa sidii heshiis loo dhan yahay looga gaari lahaa doorashada dalka iyo dhammeystirka Heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo ay qaadaceen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

153,632FansLike
2,316FollowersFollow
5,729FollowersFollow
153,632FansLike
2,316FollowersFollow
5,729FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!