Sunday, July 13, 2025

Shirkad Diyaaradeed laga leeyahay dalka Kenya oo loo diiday inay Duulimaad ku timaado Muqdisho.

Shirkadda Diyaaradaha Jambojet ee laga leeyahay dalka Kenya oo ah shirkaddaha qiimaha hoose lagu raaco ee dalka Kenya ayaa shaacisay inay joojisay Duullimaad ay ka bilaabi lahayd Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Shirkadda Jambojet Allan Kilavuka mas’uuliyiinta Duulimaadka Soomaaliya ayaa u diiday inay Diyaaradooda Duullimaad Subaxnimo ah ku yimaadaan Garoonka Muqdisho, iyadoo lagu wargeliyey in subaxnimadii uu mashquul yahay Garoonka Aden Cadde.

Diyaaradaha Shirkadda Jambojet ayaa hore qorshadeeda duulimaad ula wadaagtay Hay’adda duulista rayidka ee Soomalaiya, iyadoo lagu waday inay Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi kasoosoo duusho 6-da Aroornimo, kadibna garoonka Garoonka, si ay dib ug laabato Nairobi 9:25 subaxnimo.

Qiimaha hal safar oo Nairobi-Muqdisho ah ayey diyaaraddan dadka ka qaadi lahayd 24, 470 oo Shilinka Kenya ah. Shirkadda Jambojet ayaa la aasaasay sanadkii 2014 waxayna qeyb ka tahay shirkadda weyn ee Kenya Airways iyadoo tagto magaalooyin badan oo Bariga Afrika ku yaala oo qiime hoose ay rakaabka ku qaado.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON