Dekadda weyn ee Boosaso ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World.
Munaasabad ka dhacday dekadda magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan maamul Goboleedka Puntland, Waxgarad iyo wakiilo ka socday shirkada la wareegtay Dekada Boosaso ee DP WORLD.
Wareejinta dekadda Boosaaso ayaa muddo dib u dhacday, waxaana heshiiska madaxweyne C/weli Gaas la galay shirkadda Imaaraadka oo intiisa badan ah qarsoodi ka hor yimid inta badan waxgradka Gobolka Bari.
Madaxweynaha Puntland ayaa lagu waday inuu saaka ka dego magaalada Boosaso si uu uga qeyb unasabada wareejinta Dekada Boosaso oo ah dekadii labaad ee Imaaraadka Carabta ay la wareegaan kadib markii ay u gacan gashay dekadda Berbera ee maamulka Somaliland.