Shirkad ka mida kuwa ka howlgala magaaladda Muqdisho ee qaabilsan dhinaca IT-ga ayaa shaacisay inay qaadaneyso wiil Soomaaliyeed oo si la yaab leh u soo bandhigtay inuu yahay shaqodoon.
Shirkadda Tabaarak IT ayaa sheegtay inay qaadaneyso wiilkan, kadib markii ay aragtay codsigiisa, waxayna barteeda FB ku tiri: “Kadib Markii uu arkay maamulka Tabaarak ICT wiilkaan dhalinyarada Wax baratay kamid ah, waxaa uu maamulku u balan qaadayaa inuu kamid noqdo shaqaalaha shirkadda. Sidaas darteed waxa lagu wargelinayaa inuu nala soo xariiro.”.
Wilkan ayaa magaciisa, shahaadadda uu heysto iyo telefoonkiisa ku soo banhigay Boor weyn oo la suray meel ka mida caasimadda Muqdisho, isagoo markaas kadib noqday qof si weyn looga hada lhayo baraha bulshada.
Abubakar Axmed Xuseen oo ah wiilka shaqo doonka ah ayaa sheegay inaysan jirin cid shaqo siisay, inkastoo ay lasoo xiriireen shirkado kala duwan, balse aanay jirin Shirkad shaqo rasmi ah siisay weli.