Tuesday, June 24, 2025

Shirkadaha Isgaarsiinta dalka oo Beeniyay Warbixinta Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta (War-saxaafadeed)

Shirkadaha Isgaarsiinta dalka ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen ku beeniyey warbixin uu bixiyey wasiirka Boostada & Isgaarsiirnta Xukuuamdad Soomaaliya Cabdi Canshuur oo ku saabsan dhismaha hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Kadib markii uu Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojida uu shir saxaafadeed qabtay taariikhdu markay ahayd 3dii Luulyo 2018, isagoo ka hadlaya dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Maamulkeeda Sare (Board of Directors) waxay Shirkadaha Isgaarsiinta ee kor ku xusan cadaynayaan in ay ayaan darro tahay sida Wasiirku uu wali ugu adkaysanyo tillaabadii khaladka ahayd ee uu ku magacaabay Guddiga  Isgaarsiinta Qaranka.

War saxaafadeedka Wasiirku ayuu ku sheegay in magacaabidda guddigaas uu u maray waddadii saxda ahayd, uuna la tashaday dhinacyada uu sharcigu dhigayo oo kala ah dawladda, dhinacyada Isgaarsiinta (Sectorka) iyo bulshada rayidka ah & bahda garyaqaanada. Arrinkaas waa waxba kama jiraan, Shirkadaha Isgaarsiintuna waxay mar kale cadeynayaan in aan wax wadatashi ah lala yeelan. Wasiirkana waxaa looga baahan yahay in uu keeno caddaymaha uu sheegtay in uu hayo ee muujinaya in wadatashi dhacay.

Waxa wax aad loola yaabo ah in Wasiirku sheego in uu diyaar u yahay in wixii khalad ah la xaliyo sida uu war-saxaafadeedka ku sheegay isla markaana uu dhagaha ka furaysto:

1. Talo soo jeedintii toosneyd ee Wasiiru dawlaha oo ahayd in wixii khaldan si wadajir ah loo saxo oo miis la soo wada fariisto.

2. Cabshada iyo qaylo dhaanta baahsan ee ka timid dhammaan Sharikadaha Isgarsiinta marka laga reebo dhawrka uu mugdiga kula heshiiyay.

Waxaa marag ma doonto ah oo aan caddeymo waafi ah u haynaa in Guddiga
Isgaarsiinta Qaranka uu yahay mid gacan ku rimis ah oo dhismihiisa uu Wasiirku
la kaashaday hal shirkad oo kaliya.

Sidaas darted waxaa noo muuqda in dhismaha guddigaas uu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay oo u adeegaya dhinacyo gaar ah, taasna waa mid aad uga fog ujeeddadii laga lahaa guddigaas oo ahayd in uu noqdo guddi dhexdhexaad ah oo ilaaliya danaha qaranka & bulshada isla markaana uu si siman ugu shaqeeyo una dhex dhexaadiyo sharikadaha ku tartamaya adeegga isgaarsiinta.

Shirkadaha Isgaarsiinta waxay aad ugu xunyihiin jahawareerka sharciyeed ee uu abuuray Wasiirka ee ku aadan Sharciga Isgaarsiinta, isagoo qoraaladiisa iyo Warsaxaafadeedka
ku xusay kuna soo celceliya in ay kala duwan yihiin nuqulkii sharcigii Isgaarsiinta ee ku soo baxay Faafinta Rasmiga ah iyo kii ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka, isla  markaana iska fogeeyay mas`uuliyada sixitaanka khaladka jira, isagoo sheegay in ay u taalo xafiisyo kale!!

Shirkadaha Isgaarsiinta waxay dareensan yihiin ahmiyada Sharciga Isgaarsiinta iyo dadaaladii loo soo galay hirgalintiisa, waxaana ka digayaan in aanan mugdi la galin jiritaankiisa sharcinimo iyadoo dano gaar ah la leeyahay.

Ugu dambayn annaga oo ah Sharikadaha Isgaarsiinta ee kor magacyadoodu ku xusan yihiin waxaan talo ahaan u soo jeedinaynaa in Wasiirku uu u hoggansamo sharciga, qaatana talooyinkii ay soo jeediyeen dhamaan dhinacyada ay khusayso arintan ee uu ugu horeeyo:

1. Wasiiru Dowlaha Boostada & Isgaarsiinta.

2. Sharikadaha Isgaarsiinta .

3. Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Maamul Goboleedyada Dalka.

Uuna sabab u noqon in gacantiisa uu ku bur-buriyo mashruuca xoojinta iyo horumarinta Isgaarsiinta Qaranka oo in muddo ah la soo taban taabinayay waqtiga dheerna laga soo shaqaynayay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON