Tuesday, June 24, 2025

Shirkadaha Isgaarsiinta & Internet-ka oo ka hor yimid dhismaha Guddiga Qaran ee Isgaarsiinta (War culus)

Shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga hor yimid magacaabidda Guddiga Isgaarsiinta Qaranka oo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya uu dhowan magacaabay.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen shirkadaha 8 shirkadood ayaa lagu eedeeyay wasiirka inuu 75% xubnaha Guddiga ka dhigay xubno ka socda hal Koox/Shirkad ay ugu yeereen Ex. Barakaat, taasoo keeneysa inay hay’adda u gacan gasho shirkado gara.


HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA WADAJIRKA AH

Mogadishu, June 20, 2018. Kulan ay maanta isugu yimaadeen Shirkadaha bixiya adeegyada Isgaarsiinta iyo Internet-ka ee kor ku xusan, kana dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa gabagabadii kulanka ka soo baxay Bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan:

1. Dhamaan Shirkadaha bixiya adeega Isgaarsiinta & Internet-ka ee kor ku xusan waxay caddeynayaan in aysan qeyb ka aheyn, lagana talo gelin habraacii loo maray xulashada xubnaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ku metalaya Qeybaha Isgaarsiinta Dalka.

2. Waxaa ayaandaro ah in xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ee ka imaanaya Qeybaha Isgaarsiinta uu Wasiirka Wasaaradda u magacaabay xubno ka tirsan Shirkado bah-wadaag ah. Haddaba haddii xubanaha Guddigii Isgaarsiinta 75% ay ka yimaadeen hal Koox/Shirkad (Ex. Barakaat), waxay ka dhigeysaa Hay’adii la rabay in ay ilaaliso isku dheelitirka Ganacsiga Xorta ah mid u gacan gashay Shirkado gaar ah, isla markaana xoojineysa habka loo yaqaan “Monoboliga”. Taas oo ka hor imaaneysa Dastuurka Dalka, Sharciga Isgaarsiinta iyo Habraacii lagu heshiiyay.

3. Shirkadaha Isgaarsiinta waxay cadeynayaan in magacaabistani ay si toos ah uga hor imaneysaa Sharciga Isgaarsiinta sida ku cad Qod. 10aad iyo Qod. 34-aad “Iska-hor imaadka Danaha Is-diidan” (Conflict of Interest) ee cadeynaya in ruux xil ka haya ama si toos ah uga tirsan Shirkad Isgaarsiin ah uusan ka mid noqon karin Guddiga iyo Maamulka Hay`adda.

4. Shirkadaha Isgaarsiinta waxay baaq u dirayaan Xukuumadda Somaaliyeed, iyo Hay’adaha caalamiga ah ee muddada badan ka soo shaqeynayey in laga hortago in la marin habaabiyo hadafkii sharciga ee ahaa in la helo nidaam Isgaarsiin iyo sharci hufan.

5. Shirkaduhu waxay cadeynayaan in Wasiirku uu mas`uul ka yahay qallooca galay sharciga iyo wixii caqabado ah ee ka dhashay xulashada Xubnaha Isgaarsiinta ee lamarin habaabiyay, waxayna dalbanayaan si loo xaqiijiyo xalaal-noqoshada Hay`adda iyo ilaalinta danta guud in dib loogu noqdo magacaabista Xubnaha Hay`adda, loona maro habraacii sharcigu farayey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON