Kulan lagu soo gabagabeenayay muran ka taagnaa dhul cabirkiisu yahay 2000x400M oo kuyaala deegaanka Jaziira gaar ahaan xaafada Geeda-fuul oo u dhaw Saldhiga Turkiga ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho .
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay, Dadkii Shirkadda dhulka ku qabsaday, Garwadeeno, Odayaal Dhaqameedyo, Sharci yaqaano iyo xubno ka tirsada shirkadda Dhismaha Buruuj. Dhulkaas waxaay Maxkamada Gobolka Banaadir u xukuntay lahaanshiyihiiisa Shirkada Buruuj tariikhdu markay ehayd 10-10-2019, kadib dadkii laga xukumayay dhulka oo ah kuwii Shirkada Buruuj ku qabsaday waxay ka qaateen xukunkaas Racfaan.
Kadib waxaa soo dhexgalay arrintii dad odoyaal ah oo ku taliyay in Dukumintiyada laba dhinac wax ku sheeganayaan loo bandhigo si ay hubin ugu sameeyaan Ingineero ka mida Dowlada Hoose iyo Hay’adaha Dhulka taasoo la isku waafaqay dhinacyada oo dhan.
Hubin dheer kadib waxay caddeeyeen Ingineeradii iyo Sharci yaqaanadii Dhulka in Shirkadda Dhismaha Buruuj Dukumintigeedu uu yahay midka saxda ah milkiyadda dhulkaasna ay iyadu leedahay, natiijadaas oo noqotay natiijo ay Shirkadda Buruuj iyo dhinacii haystay ay ku qanceen.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 09-06-2020 ayaa lagu balamay in lasoo bandhigo natiijadii baarista, iyadoo ay goobjoog yihiin darafyadii ay arintaasi quseysay waxaanna goobta ka hadlay ugu horeyn General Sh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo caddeeyay natiijadii barista ahaana gudigii dhexgalka.
waxaa sidoo kale kale goobta ka hadlay Xasan Axmed Sadiiq oo ku hadlayay magaca dadkii dhulka ku sheeganayay shirkada Buruuj oo ay hareer taaganyihiin xubnihii saaxiibadiis ahaa oo ay kamid yihiin Cabdiaxman Axmed Guuleed, Caasho Malaaq Mahdi, Haweeya Xirsi Faarax, Ugaas Daahir Ugaas Yuusuf iyo xubno kale kuwaasoo dhamaantood caddeeyay inaysan Dhulkaan lahayn, isla markaana ay ku qanacsan yihiin go’aanka Garwadeedka, Ingineerada dhulka, iyo sharci yaqaanada una hogaansameen isla markaana cafis weydiistay Shirkadda Dhismaha Buruuj iyo Saamileydeeda.




