Tuesday, July 14, 2020
More

    XOG: Maxay Sheekh Shariif & Xasan Sheekh u diideen Codsigii Madaxweyne Farmaajo..?

    Waxaa fashilmay qorshe uu watay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kuna doonayey inuu kulan la yeesho Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

    Codsiga Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhashay kadib kulankii koowaad ee ay yeesheen madaxweynayaashii hore iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh, iyadoo intii kulankooda socday uu Madaxweyne Farmaajo Telefoon kula hadlay Guddoomiye Mursal, kadibna uu la hadlay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, wadahadalkaasi oo u badnaa sallaan.

    Ad

    Arrintaas kadib ayuu Madaxweyne Farmaajo ka codsaday Guddoomiye Mursal inuu qabanqaabiyo kulan dhex mara isaga iyo madaxweynayaashii hore, taasoo keentay inuu kulan kale dhex maro Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynayaashii hore, iyadoo kulankaasi uu ku wehliyey guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey.

    Kulanka oo muddo dheer qaatay ayaa ku dhammaaday inay madaxweynayaashii hore diideen kulan ay la yeeshaan Madaxweyne Farmaajo, iyadoo sabab uga dhigay inuusan waxba ka fulin ballamadii uu qaaday kulankii ay hore ula yeesheen, kaliyana uu doonayo inuu siyaasad ahaan uga faa’iideyso kulankaasi ee aanay daacad ka ahayn.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    144,032FansLike
    1,793FollowersFollow
    5,522FollowersFollow
    144,032FansLike
    1,793FollowersFollow
    5,522FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!