Tuesday, July 14, 2020
More

    Soomaaligii ugu horeeyay oo loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Itoobiya (AKhriso)

    Soomaaligii ugu horeeyay ayaa loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Ethiopia markii maanta xilkaasi loogu doortay Aadan Faarax Ibraahim oo noqday qofkii ugu horeeyay ee xilkaasi sare qabta Soomaalida Itoobiya.

    Mas’uulkan ayaa ahaa madaxweyne ku-xigeenka gobolka Ismaamulka Soomaalida. Aqalka Sare ee Federaaalka Ethiopia ayaa ka kooban 153 xubnood, waxaana laga soo xulaa Qowmiyadaha iyo Gobollada dalkaasi, iyadoo Soomaalida Itoobiya ay ku leeyihiin 6 xubnood.

    Ad

    Doorashada maanta ayaa ka dambysay markii xilka guddoomiyaha Aqalka Sare ee Itoobiya iska casishay Guddoomiyihii Aqalka Sare Keira Ibraahim oo kasoo jeeday Qowmiyadda Tigreega.

    Aadan Faarax ayaa ah siyaasi caana, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay dalka Itoobiya degaanka Soomaalida iyo Ismaamulka Diridhaba, isagoo hadda ahaa madaxweyne kuxigeenka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

    Aadan Faarax ayaa ku dhashay deegaanka Soomaalida, kuna soo barbaaray. Waxbarashadiisa heerka koowaad iyo heerka labaadna wuxuu ku soo qaatay gudaha dalka Itoobiya.

    Waxaa si gaar ah loogu xusustaa doorkii horumarineed ee uu ka qaatay ismamulka magaalada Diridhaba inta uu Maayarka ka soo ahaa.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    144,032FansLike
    1,793FollowersFollow
    5,522FollowersFollow
    144,032FansLike
    1,793FollowersFollow
    5,522FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!