Shirkadda Dahabshiil ayaa beenisay warbixin ku saabsan doorka ay ku lahayd heshiiskii Dowladda Imaaraadka Carabta kula wareegtay Dekadda Berbera oo ku baxay barnaamij laga baahiyey Aljazeera TV 17-kii bishan Maarso 2019.
Qoraal ka soo baxay shirkadda Dahabshiil ayaa lagu sheegay inaysan helin xaqii jawaab celinta, waxayna ugu baaqday Telefishanka Aljazeera inuu ka noqdo Warkaasi, kana bixiso raaligelin, iyadoo laga saarayo meelaha ay ku baahiyeen.
“Shirkadda Dahabshiil Group waxay si xooggan isaga fogaynaysaa eedaymaha been abuurka ah ee laanta Carabiga ee telefishanka Aljazeera naga baahisay. Waxay wabixintani xambaarsanayd eedaymo been abuur ah, kuwaas oo gabi ahaanba ahaa sharaf dil iyo eedaymo ku saabsan ku lug lahaansho arrimo siyaasadeed. Dahabshiil lama siinin xuquuqda jawaabta iyo fal celintayadii intii aanay Aljazeera baahin warbixinta. Dahabshiil waxay ugu baaqaysa telefishanka Aljazeera in uu ka noqdo eedaha aan sal iyo raad toona lahayn ee ay naga baahiyeen, islamarkaana macluumaadkan waa inay ka saaraan boggagga lagu baahiyay..”
Dahabshiil
