Shirkadda Korontada ugu weyn magaalada Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa qiime dhimis ku sameysay khidmada Korontada ee hore looga qaadi jiray macaamiisha.
Qiime dhimista cusub ayaa si wey ugu daneyneysa macaamiisha waaweyn ee korontada badan isticmaala, halka kuwa yaryar ee danyarta ah kaliya ay heli doonaan qiime dhimis dhan 10%.
Shirkadda BECO oo ay leedahay shirkadda weyn ee isgaarsiinta Hormuud ayaa loolan adag kala kulantay shirkadda kale ee Korontada Mogadishu Power oo ay leedahay Dahabshiil oo iyadu hore uga qiime jabneyd BECO.
HOOS KA AKHRI WARKA BECO
OGEYSIIS! OGEYSIIS! QIIMO DHIMIS
Shirkada Beco waxaa ay Umadda Islaamka ah gaar ahaan Gaar ahaan Macaamiisheeda ugu Hambalyey neysaa munaasabadda Ciidul Adxaa “CIID MUBAARAK” Ilaah hanaga aqbalo acmaasha wanaagsan.
Munaasabadda Ciidul Adxaa aawadeed waxaan macaamiisheena sharafta leh ugu talagalnay qiimo dhimis ballaaran oo ah sida soo socota.
1) 11KW ilaa 1,000KW $ 0.55
2) 1,001KW ilaa 5000KW $ 0.30
3) 5,000 KW iyo Wixii ka badan $ 0.25
Goobjooge.com