Thursday, June 26, 2025

Shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo dib u dhac ku yimid & Beesha Sade oo ku qeybsantay ka qeybgalka shirka

warsaxaafadeed-sade

Dib u dhac kale ayaa ku yimid shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee lagu waday inuu maanta oo ah 7-da November ka furmo magaalada Kismaayo, waxaana dib u dhaca shirka ku yimid sabab looga dhigay maqnaanshaha Axmed Madoobe oo weli ku sugan magaalada Nairobi.

Wararka laga halayo mas’uuliyiin ka tirsan beesha Sade ayaa sheegaya in beeshu ay weli isku khilaafsan tahay shirkaasi iyo arrimaha ay la hor tegayaan, waxaana kulamo is daba joog ah oo beeshaasi uga socday Muqdisho lagu guuldareystay in go’aan mideyn lagu qaato.

Maxamuud Sayid Aadan oo ka mida siyaasiyiinta qeybta ka ah shirka Kismaayo ayaa sheegay in Shirku dib u dhacay arrimo la xiriira Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo ka maqan Kismaayo, wuxuuna ku adkeystay inuu qabsoomida shirka aanmay waxba iska bedelin.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo siyaasiyiin taageersan ayaa si weyn uga horjeeda shirka Kismaayo laga abaabulayo, waxayna ku adkeysanayaan in shirku ka dhaco meel ka baxsan Kismaayo, isla markaana  lala xisaabto wixii uu geystay Axmed Madoobe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON