Saturday, June 28, 2025

SHIRKII GOLAHA WASIIRADA CUSUB: Xil wareejin ay kormeerayaan Hantidhowrka & Xeer ilaaliyaha

Golaha wasiirada cusub ee shalay codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka ayaa shirkoodii ugu horeeyay maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho, shirkaas waxaa guddoominayay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali waxaana looga hadlay sidii ay xilka ula wareegi lahaayeen wasiirada cusub.

gole-wasiiro

Arrinta xil wareejinta oo muddo dheer ku raagtay wasiiradii hore ayaa la go’aamiyay inay si degdeg u dhacdo. Arrimaha xil wareejinta ayaa waxaa loo xil saaray Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte iyadoo Xeer ilaalinta Qaranka iyo Hanti dhowrka guud ay goobjoog ka noqon doonaan xil wareejinta wasiiradii hore.

911

[ad name=”HTML-3″]

Qaar kamida wasaaradihii hore ayaa baaritaan lagu sameeyay waxaa soo baxay musuqmaasuq iyadoo hanti dhowrka guud iyo Xeer ilaalinta ku daba jiraan wasiiro hore iyo mas’uuliyiin kale oo arrimahaas loo heysto; taasoo keentay in xil wareejinta ay marqaati ka noqdaan madaxda xafiisyada hanti dhowrka iyo xeer ilaalinta.

Wasiir kasta waxaa laga rabaa inuu wareejiyo:

Xafiiska iyo dhismooyinka wasaaradda

Hantida wasaaradda (guurto & ma-guurto)

Xisaab xirka mudadii uu joogay

iyo Dokumentiyada wasaaraduhu ku shaqeeyaan oo dhan

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON